
23 Sebtembar 2023
Johnny Somali oo caan ku ahaa baahinta muuqaalada tooska ayaa la xiray isaga oo looga shakisan yahay in uu si sharci darro ah ku galay goob dhismo ah oo ku taalla magaalada Osaka, sida ay booliisku Japan Jimcihii u sheegeen warbaahinta maxalliga ah ee dalka Japan.
Ramsey Khaalid Ismaaciil, oo 23 jir YouTuber ah kaas oo loo yaqaan "Johnny Somali", ayaa lala xiray nin kale oo isagana reer Mareykan ah oo la yirahdo Jeremiah Dwane Branch, oo 24 jir ah, kaasoo sheegay inuu yahay arday jaamacadeed, sida ay booliisku sheegeen.
Muuqaalada Ismaaciil waxaa ka mid ah kuwa uu ku iftiiminayo qaraxyadii atomiga ee Hiroshima iyo Nagasaki kuwaas oo uu sheegay in si cunsurinimo ah loo weeraray dadka Japan.
Labada nin ayaa la sheegay in ay si sharci darro u galeen goob laga dhisayay hoteel ku yaalla deegaanka Osaka ee xaafadda Chuo Ward bishii Agoosto 30-keedii. Ismaaciil ayaa muuqaalka duubay isagoo wejiga xiran, sida uu booliisku ka soo xigatay warbaahinta Japan Times.
Balse booliiska ayay warbaahinta NHK world sheegtay inay garteen inuu Johnny Somali yahay ka dib markii ay eegeen muuqaalada dhanka internetka iyo sidoo kale muuqaalada ay duubeen kamaradaha amaanka. Saraakiisha booliska ayaa la sheegay in Khamiistii ay ka soo xireen nawaaxiga magaalada Dotonbori.
Waxay booliska u sheegeen inaysan hadlaynin ilaa qareenadooda ay ka arkayaan.
Tan iyo bishii hore, waxaa si isdaba joog ah loo arkayay isaga oo muuqaalo toos ah ku dhex duubaya baararka iyo maqaayadaha Osaka isaga oo aan wax fasax haysan sida ay warbaahinta NHK World laga soo xigtay. Waxaana la sheegay in tan iyo markaas ay booliiska la socdeen dhaq-dhaqaaqiisa.
Maxaad ka taqaanaa Johnny Somali?

Ninkan oo la sheegay inuu yahay Soomaali-Ameerikaan ayaa isku sheega in yaraantiisii uu askar ahaa, isla markaana uu yahay burcad-badeed sida ku xusan bartiisa Youtube-ka.
Johnny Somali ayaa cambaareyn kala kulmay muuqaalladiisa oo dadka qaar ay ku eedeeyaan in hadallo cunsuriyad ay ku dheehan tahay uu dadka ku dhoho, dhaqankooda uu ku maadeysto, haweenka uu dhibo isla markaana buuq uu ka abuuro meelaha ay dadku isugu yimaadaan.
Muuqaal kiis ayuu ku sheegay in aabihiis uu yahay Soomaali halka hooyadii ay tahay Itoobiyaan, "waxaan doonayaa in aan hal wax caddeeyo, aabahay waa Soomaali hooyadayna Itoobiyaan, hooyaday waa Oromo," ayuu yiri.
Waxaa muuqaalladiisa qaar lagu arkaa dadka oo la dagaalaya isaga, sababo la xiriira hadallada uu ku yiraahdo.
Ninkan ayaa bartamihii sannadkan ku sugnaa jasiiradda Bali oo qaaradda Aasiya ka tirsan, iyadoo dadka ay diidmo ka muujinayeen imaanshihiisa kaddib, dhacdooyin kuwaas la mid ah oo lagu eedeeyay inuu ka sameeyay dalka Japan.
Dhowr muuqaal oo uu bartiisa YouTube soo dhigay, Johny waxaa la arkayay isagoo meelaha ay dadku isugu yimaadaan ku qaqashaadaya haween, isla markaana ku dhahaya hadallo ‘dumar nacayb ah iyo kuwo cunsurinnimo ku dheehan tahay’.
Johnny Somali ayaa sidoo kale intii uu Japan ku sugnaa la arkayay isagoo dhibaya dhalinyaro ku sugnaa tareen dhexdiisa, isagoo kala hadlayay arrimaha Hiroshima iyo Nagasaki (magaalooyin Japan ku yaalla oo Mareykanku bamboo ku weeraray sanadkii 1945), isagoo dhahaya “Waan sameyn karnaa mar kale.”
Mid ka mid ah rakaabka, oo sheegay inuu asal ahaan Kuuriyaan yahay uuna heysto dhalashada Mareykanka, ayaa la murmaya kana codsanaya inuu xushmad muujiyo.
Dhowr muuqaal, Johnny Somali uma muuqan mid ka qoomameynaya ficilladiisa, isagoo sheegay inuuba ka helo falcelinnada ka dhasha muuqaalladiisa uuna kuba sii caan-boxo.
Waxaa sidoo kale jirtay in qudhiisa dhibaato ay soo gaartay , oo marka ay dadku aqoonsadaan uu khatar u galo in lala dagaallamo.
Mid ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa Twitter-ka kusoo qoray "Johny Somali ayaa halkan lagu arkay isagoo labo gabdhood oo Japan u dhashay ugu yeeraya inay fool xun yihiin sababtoo ah ma aysan dooneyn inay ka soo dhex muuqdaan muuqaalkiisa".
Haatan wuxuu ku sugan yahay jasiiradda Bali, imaanshihiisa toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada jasiiraddaas ka dhex abuurtay dood, iyadoo dadku ay muujinayeen inay ka war hayaan taariikhdiisa.
Inkastoo weli uusan gudaha jasiiradda ka abuurin sida falcelinnadii ka dhashay safarkiisii Japan, haddana mar uu booqday xeebta Bali.
Muuqaalka ayaa laga arkayay isagoo la hadlaya labo nin oo xeebta ku sugan, kadibna ay murmayaan.
ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6JmmqqknrCtsdJomqOlaG67ccKSpqOo